Taliyaha Millateriga Somaliland Sarreeyo guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee beelaha walaala ah ee shalay shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Habaas ee gobolka Selal.
Taliyaha ayaa waxgaradka beelaha u soo jeediyay in nabadda ay ka shaqeeyaan oo waxkasta oo keenaya isku dhaca bulshada laga fogaado.
Sidoo kale odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa ballanqaaday in ay xoojinayaan nabadda iyo xasilloonida deegaanka.
Taliyaha ayaa waxa kulanka ku wehelinayay qaar ka mid ah hoggaanka Ciidanka Qaranka iyo taliyeyaasha fadhiisimada galbeedka.




