Talyaaniga Oo ku Dhawaaqay In si KMG Ciidiinkiisa Uga Saarayo Saldhiga Magalada π—˜π—Ώπ—―π—Άπ—Ή Ee Iraq

Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga, Guido Crosetto, ayaa sheegay in ciidamada Talyaaniga ay si ku-meel-gaar ah uga baxayaan saldhig milateri oo ku yaalla Erbil, isagoo sheegay in qorshuhu uu jiray ka hor inta aan saldhigga la garaacin gantaal.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu yimid iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee gobolka Bariga Dhexe, taas oo keentay in talyaanigu qaaddo tallaabooyin lagu ilaalinayo badbaadada ciidamadeeda ku sugan Ciraaq.

Dowladda Italy ayaa tilmaamtay in ka bixitaanka ciidamadu yahay mid ku meel gaar ah ilaa xaaladda amni ay ka degto.

Related posts

Maraykanka Oo 10 Milyan Oo Doollar Duldhigay Madaxa Hogaamiyaha Cusub Ee Iran

Madaxweynaha Kenya Oo Kulan Afur Wadareed ah Muslimiinta kula Qaatay Magalada Mombasa

Abaanduulaha Ciidanka Somaliland Oo Xadhiga ka jaray Barkad-weyn oo Ciidanka loo Qoday Duleedka Buuhoodle.