Tarique Rahman oo ku Guuleystay Doorashadii u Horreysay Ee ka dhacday dalka Bangladesh

by Heemaal
3 minutes read

Tarique Rahman oo 60 jir ah ayaa ku guuleystay doorashadii u horreysay oo ka dhacday dalka Bangladesh , kaddib markii kacdoon dhallinyaro oo ay billaabeen ardayda lagu beddelay nidaamkii kaligii taliska ahaa ee ay hoggaaminaysay haweenayda Sheekh Xasiina, isagoo noqonaya ra’iisul wasaaraha dalkaa , markii xisbiga qaran ee Bangladesh (BNP), ay ku dhawaaqeen inay ku guuleystay doorashada.

Rahman, oo ay iska dhaleen Zaiur Raxmaan oo soo noqday madaxweynaha Bangladesh oo toogasho lagu dilay sannadkii 1981 iyo hooyadii Khaalida Zia oo labo mar Ra’iisul wasaare ka noqotay Bangladesh, oo isbitaal ku geeriyootay bishii December,2025 ayaa dib ugu laabtay Bangladesh 17 sanno oo masaafuris uu ku joogay dibadda, markii xabsi uu ugu xirnaa nidaamkii Xasiina laga sii daayay,wuxuuna dib ugu laabtay Bangladesh markii isbeddelka uu ka dhacay.

Maxay ka dhigantahay doorashadan ?

Doorashadan waxay tilmaam u tahay sida bulshada ay dib gacantooda ugu soo celin karaan ayaahooda, haddii ay xataa ka hortagayaan nidaam awood leh , sida Sheekh Xasiina oo gacan adag ku heysay nidaamka Bangladesh. Dhallinyarada lagu yeero jiil Z , oo ay ardayda u horreeyaan ayaa ka kacay musuqa iyo ku takri-falka awoodeed ee nidaamka Xasiina , taa oo dhalisay inay isaga baxsato dalka.

Intaa ugama harin dhallinyarada waxay diideen inay cid kale si fudud xukunka gacantooda ugu dhaco, iyagoo xataa ka hortagay iskuday milatariga uu ku doonayay inay xukunka la wareegaan,markaa oo guddi ay dhallinyarada kacdoonka hoggaaminayay sameysteen ay u yeereen ganacsadaha Muhammad Yunus oo xilligaa dibad joog ahaa , si uu dalka doorasho u gaarsiiyo.

Waxa xigay xaaladan in xisbiga qaran ee Bangladesh (BNP) oo muddo 20 sanno ah siyaasadda Bangladesh ka maqnaa inuu dib usoo laabto, taa oo ay ka dhalatay doorashada dhacday inuu ku guuleysto Tarique Rahman, markii uu soo bandhigay qorshayaal la jaanqaadaya baahida dhallinyarada ay ka bannaanbaxayeen. Wuxuu ballanqaaday inuu dastuurka ku dari doorano labo muddo xileed ka badan inan la qaban karin xilka Ra’iisul wasaaraha oo ah jagada ay awoodda ku aruursantahay, waxaa kaloo uu soo bandhigay qorshayaal sharraxaad cad leh oo uu sheegay inuu wax kaga qabanayo horumarinta wax soo saarka gudaha , si dhaqaalaha Bangladesh uu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya koonfurta Aasiya iyo taageerro la siinayo qoysaska saboolka ah si dadka Bangladesh ay uga soo kacaan xariiqda saboolnimada. Arrimahan kale ee waxtarka ah oo si faahfaahsan uu usoo bandhigay waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibadda inay noqonayso mid ku dhisan danaha Bangladesh, oo meesha laga saarayo siyaasad ku tiirsan Hindiya , taa oo dhalisay in dooras
hadiisa hambalyo ka hesho Pakistan iyo Mareykanka.

Waxaa lagu sheegay doorashada Bangladesh, mid taariikhi ah , sabab la xiriirta sida doorashadan ay tusaale ugu noqotay inay dadweynaha badbaadin karaan qarankooda,waxayna dadka Bangladesh iyagoo aan sugin beel caalam iyo siyaasiyiin danahooda ka hormariya tan qaranka u kaceen oo ay adkeysi u yeesheen dhimasho kasta oo ay la kulmeen , illaa ay xaqiijiyee aayaha qarankooda inay gacanka ku dhaliyaan. Tan oo ah wax ku filan bulshada Soomaalida ee ku jira wareeg dheer oo aan isbeddel lahayn oo ka dhalanaysa dalka inuusan lahayn shuruuc gacmaha qabata hoggaamiyeyaasha oo ay weheliso inaysan jirin cid xambaarsan qarshayaal qaran oo baahiyaha dalka la jaanqaadaysa inaan xukunka lagu simin, sabab la xiriirta hoggaamiyeyaasha Soomaalida waxay soo bandhigaan ballanqaadyo afka barkiis ah oo aan lahayn qorshayaal , mana jirto falcelinta bulsho oo xafiisyada musuqa , ku takrifalka iyo awood ku dhaqanka caadeystay ay u welwelayaan, taa oo dhalisay nidaam kasta inuu waqtigiisa ku qaato iyadoo wax walba si gaabis ah ay ku soc
onayaan illaa hadda faragelinta dibadda ay noqotay mid ka soo tagtay waraaq oo joogitaan milatari isku beddelaysa, taa oo tilmaam ka bixinaysa sida madax bannaanida iyo jiritaanka qaranka uu halis ugu jiro. Ummadaha iyagoo doorta ku dhex jirka burburka iyo ku noolashaha qaran sharaf leh oo ka dhalan kara marka dadku fahmaan inaysan jirin cid meel kale uga imaanaysa oo u dhiseysa qaran awood leh.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.