Tirada Maraakiibta Lagu Weeraray Bariga Dhexe oo la soo Bandhigay.

Hay’adda la socota amniga maraakiibta ee United Kingdom Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa shaacisay in tan iyo 28-kii Febraayo 2026, markaas oo uu bilowday dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran, ay sii kordheen weerarrada lagu beegsanayo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan marinnada badda ee Bariga Dhexe.

Sida ay sheegtay UKMTO, guud ahaan ilaa hadda waxaa la diiwaangeliyay ugu yaraan 13 markab oo lagu weeraray gudaha ama hareeraha waddamada Carabta ee ku teedsan marinka istaraatiijiga ah ee Strait of Hormuz. Marinkan badeed ayaa ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan ee maraakiibta shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ah, waxaana maalin kasta mara boqolaal markab oo qaada saliid iyo badeecooyin kala duwan.

Habeenkii xalay, laba markab oo kale ayaa lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha Iraq, gaar ahaan agagaarka dekedda Umm Qasr Port oo u dhow magaalada Basra. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in weerarkaasi sababay khasaaro naf iyo dhaawac leh, iyadoo hal qof uu ku dhintay, halka 38 kale ay ku dhaawacmeen.

Madaxa shirkadda guud ee dekedaha Ciraaq ayaa sheegay in weerarku uu si weyn u saameeyay dhaqdhaqaaqii dekedda, islamarkaana ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo nooca hubka la adeegsaday iyo cidda ka dambeysa weerarka.

Dhanka kale, wax yar ka hor ayay United Kingdom Maritime Trade Operations ku dhawaaqday dhacdo kale oo cusub oo ka dhacday meel waqooyi ka xigta Jebel Ali Port ee dalka United Arab Emirates. Warbixinta ayaa sheegtay in markab konteenarro siday uu ku dhacay gantaal aan wali la aqoonsan, taas oo sababtay dab yar oo ka kacay dusha sare ee markabka.

Mas’uuliyiinta badda ayaa sheegay in shaqaalaha markabka ay si degdeg ah u damiyeen dabka, islamarkaana aysan jirin warar muujinaya khasaaro naf ah, balse ay jirto cabsi laga qabo in weerarradan ay sii kordhiyaan khatarta ku wajahan maraakiibta ganacsiga ee maraya gacanka.

Khubarada amniga badda ayaa ka digaya in xiisadda militari ee ka taagan gobolka ay si toos ah u saameyn karto ganacsiga caalamiga ah iyo maraakiibta mara marinnada muhiimka ah sida Strait of Hormuz, taas oo muhiim u ah isku socodka shidaalka iyo badeecooyinka caalamka.

Related posts

Maraykanka iyo IRI warar kala duwan ka soo saaray dayaarad wayn oo ka dhacday Maraykanka

Markabka dagaalka ugu wayn Maraykanka oo gubtay

Warbaahinta Dawlada Iran oo Xaqiijisay in Xaaska Ayatollah Cali Khamenei ay Nooshahay