Donald Trump ayaa sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta Axios in ku dhowaad wax kale oo la weeraro aysan ka harin gudaha Iran. Hadalkan ayuu Trump ku sheegay xilli ay sii socdaan xiisadaha militari ee u dhexeeya United States, Israel iyo Iran.
Trump wuxuu sheegay in weerarradii militari ee la qaaday ay horey u burburiyeen inta badan bartilmaameedyadii muhiimka ahaa ee Iran. Sida uu sheegay, saldhigyo militari, xarumo gantaallo, iyo kaabayaal kale oo muhiim u ahaa awoodda militari ee Iran ayaa la garaacay toddobaadyadii u dambeeyay. Wuxuu ku dooday in hawlgalladaasi ay gaareen heer ay ku dhow yihiin dhammaad, maadaama sida uu hadalka u dhigay “ku dhowaad wax kale oo la weeraro aysan harin”.
Hadalka Trump wuxuu muujinayaa aragtidiisa ah in howlgalka militari uu gaaray guul weyn, isla markaana haddii loo baahdo ay suurtagal tahay in si degdeg ah loo dhammeeyo wax kasta oo weli haray. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Iran ayaa ka jawaabtay hadalladaas iyadoo sheegtay in dagaalku uusan dhammaanin, isla markaana ay weli awood u leedahay inay jawaab militari bixiso,Iiraana ay go’aansanayso waqtiga dagaalka la joojinayo.
Xiisaddan ayaa weli ah mid si weyn looga hadal hayo caalamka, iyadoo dalal badan ay ka walaacsan yihiin in isku dhacaasi uu sii fido ama uu sababo qalalaase ka weyn kan hadda jira. Inkastoo Trump uu sheegay in bartilmaameedyadii militari ee Iran inta badan la burburiyay, haddana xaaladda gobolka ayaa weli ah mid aan si buuxda loo hubin sida ay ku dhammaan doonto.