Trump iyo Marco Rubio oo hadalo is khilaafsan ka sheegay ujeedada dagaalka Iiraan

Donald Trump ayaa markii ugu horreysay si toos ah ula hadlay dadweynaha Maraykanka isagoo ka hadlay ololaha militari ee ka dhanka ah Iiraan.

Hadalladiisii hore ee ku saabsanaa hawlgalkan waxay ku jireen muuqaallo horay loo duubay oo lagu daabacay boggiisa internetka. Laakiin markan wuxuu qabtay xaflad bilado lagu guddoonsiinayay Aqalka Cad, intii lagu guda jirayna wuxuu ka hadlay go’aankiisa ku aaddan weerarka Iiraan iyo ujeeddooyinka laga lahaa.

Wuxuu sheegay in ujeeddooyinku ay ahaayeen afar qodob:

  1. In la burburiyo awoodda gantaallada Iiraan iyo kartideeda soo saarista gantaallo cusub;
  2. In “la dabar-gooyo” ciidanka badda ee Iiraan;
  3. In la hubiyo in Tehran aysan waligeed heli karin hub nukliyeer;
  4. Iyo ugu dambeyn, in laga hortago inay hubeyso oo maalgeliso kooxo ka baxsan xuduudaheeda.

Waxaa isna xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, oo sheegay sabab kale oo hawlgalkan socda ka dambeysa. Wuxuu sheegay in Iiraan ay ku gambaneysay nidaamyadeeda difaaca gantaallada si ay u sii waddo horumarinta barnaamij hub nukliyeer, aragti ay hay’adaha sirdoonku su’aalo ka keeni karaan, marka loo eego waxa ay si fagaare ah u sheegeen bilihii la soo dhaafay, oo ah hadalo badan oo is khilaafsan, ayna waaxaha sirdoonku ka war-qabin ama ayna u gudbin aqalka cad, iyadda oo eeda ugu wayni ay ahay in Trump dhowr jeer sheegay in Iiraan awood u leedahay in ay weerarto maraykanka, taas oo ay beeniyeen sirdoonku, waxaana la aaminsanyahay xogta sirdoon ee ku shaqaynaayo trump in uu ka helo Isara’iil, taas oo marin habaabin ah.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan