Trump iyo Netanyahu Oo Dalalka Carabta ku Riixaya Inay Galaan Dagaalka Iran

by Heemaaln
1 minutes read

Madaxweyne Trump iyo RW Netanyahu markii ay ogaadeen in awoodda ciidan ee Iiraan ay ka sarrayso wixii ay horay u filayeen khasaaraha ay Iiraan geysanaysana uu aad u culus yahay, waxay haatan ku qalqaalinayaan dalalka carbeed ee ay Iiraan duqaysay inay dagaalka soo galaan si ay ula qaybsadaan culayska milateri iyo dhaqaale ee dagaalka oo u muuqda inuu sii daba dheeraanaayo.

Waxaa jira isku dayo arrintaas lagu dhaqan gelinayo, waxaa la qabtay kooxo u shaqeeya MOSSAD oo ku hawlanaa weeraro ka dhan ah kaabayaasha dhaqaale ee dalalkan, kooxahas oo u muuqday in ay horay ugu guulaysateen inay ku darsadaan weerarada ay ku qaadaysay Iiraan dalalkan carbeed .

Isku daygan ayaa maanta si weyn bannaanka isu keenay kadib markii la duqeeyay dekedda saldanada Cuman .

Iiraan ayaa maanta isla markiiba iska fogaysay weerarkan isla markana sheegtay in aysan duqayn aysana ka suurtoobin duqaynta dalka saaxiibka ay yihiin ee Cummaan.

Mid ka mid ah Warbaahinta Israel waxay sheegtay in dalka Qadar uu maanta fuliyay weerar ka dhan ah Iiraan, afhayeen u hadlay dawladda Qadar ayaa si xoog leh goor dhawayd u beeniyay warkan isaga oo sheegay in Qadar ay is difaacid ku jirto, aysana jirin cid ay weerartay.

.Waxa sidoo kale qaar ka mid ah warbaahinta Israel ayaa goor dhawayd waxay sheegeen in Sucuudiga uu aqbalay inuu ka qayb qaato dagaalka ka dhanka ah Iiran hase Sacuudiga ayaan weli ka jawaabin fuustadan loo soo riixay.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.