Trump ayaa la weydiiyay hadalkii Madaxweynaha Ukraine Zelensky, ee ahaa in uu diyaar u yahay in Mareykanka iyo Israel ka caawiyo xakameyn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran maaddaama uu khibrad u leeyahay.
Trump oo u umuuqda inuu aqbalay caawinaada Ukraine ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ayaa waxuuna yri: “waan aqbalayaa caawinaad kasta iyo waddan kasta oo iga caawinaya arrintaas.”
Madaxwaynaha Ukraine Zelensky ayaa ku celceliyay inuu leeyahay awood uu ku caawiyo Mareykanka si looga hortaggo weerarrada Iiraan ee ka dhacaya khaliijka.
Trump oo la hadlay wargeyska POLITICO ayaa u muuqda inuu ka caradooday hadallada Zelensky wuxuuna yiri ;”Zelensky waa inuu si degdeg ah heshiis u qaataa.Waa wax aan la qaadan karin in isaga uu noqdo caqabadda hortaagan arrinta…Ma haysto awood uu ku ciyaaro. Hadda xitaa wuxuu haystaa awood ka yar tii uu hore u lahaa.”
Sikastaba ha noqotee Beri hore waxa jirtay inuu Madaxwayne Zelensky kaalmo dheeraad ah weydiistay Trump, balse jawaabtii Trump ayaa waxa ay ahayd aqalka cad waxa aad ku soo gashay lebbis liita.