Trump oo Dalal Caalami ah ugu Baaqay inay Maraakiib u diraan Marinka Hormuz

Madaxweynaha Donald Trump ayaa ugu baaqay dalal badan oo ay ka mid yihiin South Korea, China, Japan, France iyo United Kingdom inay maraakiib u diraan gobolka si loo ilaaliyo furitaanka marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz.

Trump ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, isagoo sheegay in dalalka si weyn ugu tiirsan shidaalka mara marinkan ay gacan ka geystaan ilaalinta amniga marinka.

Marinka Hormuz ayaa ah meel aad muhiim u ah ganacsiga shidaalka adduunka, waxaana la rumeysan yahay in qiyaastii shan meelood meel (20%) shidaalka caalamka uu halkaas maro. Sidaas darteed, haddii marinku xirmo ama uu khatar galo, waxay si weyn u saameyn kartaa sahayda tamarta ee caalamka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in militariga United States uu hore u burburiyay awood badan oo milatari oo ay lahayd Iran. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in Iran weli awood u yeelan karto inay weerarro yaryar sameyso, sida inay dirto diyaarado aan duuliye lahayn (drones), miinooyin ku riddo badda ama gantaallo gaagaaban ku weerarto maraakiibta marinka maraysa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan weerarrada ka dhanka ah ciidamada badda ee Iran haddii ay isku dayaan inay carqaladeeyaan marinka.

Xiisadda ku saabsan marinka Hormuz ayaa sii kordheysa, iyadoo Iran ay hore u muujisay inay u adeegsan karto xiritaanka marinka cadaadis siyaasadeed iyo milatari oo ay ku saarto dalalka ka soo horjeeda.

Dhanka kale, Koonfurta Kuuriya ayaa hore u lahayd cutub badeed oo lagu magacaabo Cheonghae, kaas oo ka howlgala gobolka si uu ula dagaallamo burcad-badeedda, waxaana mararka qaar loo ballaariyay hawshiisa si uu ula socdo xaaladda marinka Hormuz.

Marinka Hormuz ayaa weli ah mid ka mid ah meelaha ugu xasaasisan ee istaraatiijiga ah ee dunida, gaar ahaan xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Iran, Israel iyo United States.

Heemaal News Network

Related posts

Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran Oo ka Hadlay Qiimeyntii ay Sameeyeen Sirdoonka Maraykanka

Saldhiga Maraykanka Ee Kuwait Oo la Weeraray Iyo Markabkii dagaalka Mareykanka Oo dib ugurasho ku jira

Hoobiyaal lagu Garaacay Caawa gudaha Airport-ka Muqdisho Gaar ahaan Xerada Maraykanka