Trump Oo Helay Muuqaallo Muujinaya In Duqeymaha Guuleystay ee Mareykanka ka Fuliyay Iran.

Warbixin ay baahisay NBC News ayaa sheegaysa in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu helo muuqaallo gaagaaban oo maalinle ah, kuwaas oo muujinaya duqeymaha guuleysta ee Mareykanka ka fuliyay Iran.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in muuqaalladan oo qaab kooban (qiyaastii 2 daqiiqo) loo diyaariyo ay yihiin qeyb ka mid ah warbixinada sirdoon ee loo gudbiyo madaxweynaha.

Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay in habkan uu sababi karo in Trump uusan helin sawirka dhameystiran ee dagaalka, gaar ahaan dhinacyada fashilka ama caqabadaha jira, taasoo saameyn ku yeelan karta go’aan qaadashadiisa.

Related posts

Iiraan: “Weerarada Israa’iil Aan ku Qaadno Waxay Jawaab u yihiin Hanjabaadaha Trump..”

Shiinaha Oo Markii ugu Horreysay soo Bandhigay Nidaam Difaac Oo ka Hortagi kara Drone Badan.

Netanyahu Oo ku Dhawaaqay Inay Ballaarinayaan Khadka Aagga Amniga Ee Bariga Dhexe