Trump Oo ka Hadlay Xiliga Uu Dhamaan-doono Dagaalka Iran, Khuburda oo ka yaaban hadaladiisa

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Iran uu dhowaan dhammaan karo, balse uusan dhammaan doonin toddobaadkan. Wuxuu yiri Maraykanku wuu joojin karaa weerarka hadda, laakiin sidoo kale way sii wadi karaan weerarrada.

Trump wuxuu sheegay in dagaalku dhammaan doono marka Iran aysan mar dambe awood u lahayn inay hub u adeegsato Maraykanka, Israel ama xulafadooda muddo dheer. Wuxuu sidoo kale wareysi ku sheegay in dagaalku “inta badan la dhameystiray”, isagoo ku andacooday in Iran aysan lahayn ciidan badeed, isgaarsiin ama ciidan cirka ah oo wax ku ool ah.

Wuxuu sheegay in ciidamada Maraykanku ay hadda weerarayaan goobaha lagu soo saaro drone-yada ee Iran, isla markaana ay ka horreeyaan jadwalkii qorshaha burburinta bartilmaameedyada Iran.

Trump wuxuu kaloo sheegay in ciidamada badda ee Maraykanku ay ilaalin doonaan maraakiibta maraysa Strait of Hormuz, si loo sugo sahayda shidaalka. Wuxuu uga digay Iran in haddii ay waxyeelleeyaan sahayda shidaalka, Maraykanku si ka sii adag u weerari doono.

Sida ay sheegtay militariga Maraykanka, tan iyo markii Israel iyo Maraykanku weerareen Iran 28-kii Febraayo, waxaa la weeraray qiyaastii 5000 bartilmaameed oo Iran ah, waxaana la burburiyay 50 markab oo Iran leedahay. Trump wuxuu sheegay in Iran ay isticmaashay dhammaan hubkii ay haysatay, isla markaana haddii ay mar kale isku daydo wax weerar ah “taasi ay noqon karto dhammaadka dalkaas”.

Dhanka kale, la-taliye Iran ah Kamal Kharazi ayaa sheegay in Iran diyaar u tahay dagaal dheer.

Khabiirro ayaa sheegay in Trump uu bixiyay sababo badan oo uu ku difaacayo weerarka Iran, laakiin uusan si cad u sharxin sababta Maraykanku hadda u weeraray, isla markaana hadalladiisa ay is beddelaan marba saacad.

Dagaalka ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay qiimaha shidaalka. Qiimuhu wuxuu gaaray 119 dollar halkii foosto, ka hor inta uusan hoos ugu dhicin qiyaastii 89 dollar kadib hadallada Trump ee wareysiga.

Intii lagu jiray weerarrada lagu qaaday Tehran, waxaa la dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee Iran Ali Khamenei. Kadib waxaa hoggaamiye cusub loo doortay wiilkiisa Mojtaba Khamenei.

Trump ayaa sheegay in wiilka Khamenei uusan ahayn mid la aqbali karo, isagoo sheegay in Maraykanku doonayo hoggaamiye Iran u keena isfaham iyo nabad. Markii la weydiiyay haddii Maraykanku dili doono hoggaamiyaha cusub, Trump ma uusan caddeyn haddii ay qorsheynayaan taas iyo in kale.

Related posts

Maraykanka oo hubkiisii militari ee waqooyiga Kuuriya u raraya Bariga Dhexe

Ilaalada Kacaanka Iran oo u jawaabtay Trump: “Annaga ayaa go’aaminayna goorta dagaalku dhammaanayo”

M/Putin Oo Sheegay inuu Diyaar u yahay In Shidaal Uu ka Iibiyo dalalka Yurub iyo Maraykanka