Trump ayaa xaqiijiyay in kulan socday saddex saac oo maanta uu la qaatay Netanyahu uu ku dhammaaday natiijo la’aan, si cad wuxuu u sheegay arrinta Iiraan inay ku kala aragti duwanyihiin oo Netanyahu uu doonayo dagaal, halka Trump uu sheegay inuu diiradda saarayo wada-xaajood , oo dib loo qiimeyn doono waxa ay ku dhammaadaan wadahadallada socda.
Waa markii u horreysay oo Trump uu sheegay inuu guul-darreystay kulan uu la qaatay Netanyahu, balse ma cadda inay erayada sida uu usoo bandhigay xaqiiqo u yihiin ama lagu dejinayo xiisadda ka taagan gobolka bariga dhexe.
