Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa maanta sheegay inuu aad uga niyad jabay wada shaqeyn la’aanta Spain iyo Ingiriiska, xilli Mareykanka ku jiro dagaalka Iiraan, isagoo ku dhawaaqay inuu Mareykanka joojinayo dhammaan xiriirada ganacsi ee uu la leeyahay Spain oo diiday in in militariga Mareykanka u adeegsado saldhigyada dhulkeeda loo adeegsado weerarrada Iiraan.
Trump ayaa sidoo kale dhaleeceeyay Boqortooyada Midowday (UK) go’aanno la mid ah kuwaas.
Donald Trump ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, uu si wayn u caawin Maraykanka islamarkaana ay muddo aad u dheer ku qaatay go’aanka loogu ogolaanayo Maraykanka inuu isticmaalo saldhig Ingiriisku ku leeyahay Diego Garcia bilowgii dagaalka Iiraan.
Isagoo la hadlayay warfidiyeennada intii uu kulan la lahaa Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayuu Trump yiri:
“Spain waxay ahayd mid aad u xun,” ayuu madaxweynuhu sheegay.
Trump waxa uu intaa ku daray inuu faray Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, in la joojiyo dhammaan xiriirrada lala leeyahay Spain.
“Waxaan joojinaynaa dhammaan ganacsiga Spain. Ma doonayno wax xiriir ah oo aan la yeelanno Spain,” ayuu yiri Trump.
Ugu dambeyntii, Ingiriisku wuxuu u oggolaaday Maraykanka inuu isticmaalo saldhigga Diego Garcia, laakiin Sir Keir ayaa dhaliilay go’aanka weerarka Iiraan isagoo sheegay inuusan rumeysaneyn in la beddelo xukuumadaha iyadoo laga duulayo oo la weerarayo.
Warkan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha la xiriira hawlgallada militari ee Mareykanka iyo mowqifyada dalalka Yurub ee ku aaddan arrimaha Bariga Dhexe.