Trump: “Waxaan taageero weyn ka helney Qadar, Imaaraadka, Sacuudi Careebiya, Baxrayn, dalalka Bariga-dhexe aad bay noo taageeraan.”
Trump ayaa sidoo kale sheegey in Gaashaanbuurta NATO diiday ka qaybgalka dagaalka Iiraan: “Xulafada NATO badi waxay sheegeen in aysan doonayn ay ku lugyeeshaan howlgalkeena Iiraan….lama yaabin weligeed NATO annagaa ilaalinna waxbana nama tarto…. Anigoo ah Madaxweynaha dalka ugu awoodda badan waxaan haatan & dan leeyahay; uma baahnin caawimaadda cidna.”
Trump ayaa wax laga waydiiyay is casilaada agaasimihiisii xarunta la-dagaallanka Argagixisada ee Mareykanka, Joe Kent oo xilkaa uga tagay sabab la xiriirta dagaalka Iiraan.
“Mar walba waxaan u maleyn jiray inuu yahay nin wanaagsan, balse sidoo kale mar walba waxaan u arkayay inuu aad daciif ugu yahay dhinaca amniga ,aadbu daciif u ahaa. Si fiican uma aanan aqoon, wuxuu u muuqday nin aad u wanaagsan. Laakiin markii aan akhriyay hadalkiisa, waxaan garowsaday inay tahay arrin wanaagsan inuu meesha ka baxay, sababtoo ah wuxuu sheegay in Iiraan aysan ahayn khatar. Iiraan waxay ahayd khatar ,dal kasta wuu garwaaqsaday taas.”