Trump oo weli Weeraraya Isbaahaysiga Nato oo Diiday Dagaalka Iiraan:

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxwayne Trump,ayaa maanta mar kale dhalliilay NATO, wuxuuna ku tilmaamay kuwa cabsi dishay, isagoo sheegay in Nato waxa ay ku sameeyeen waligiis uusan iloobi doonin.

“Nato annaga ayey wax nagu tahay, ma ay doonayaan in ay dagaalka nala galaan, waxay ka cabanayaan shidaalka oo qaali ku noqday, mana doonayaan in ay nala furaan marin-biyoodka Hormuz…. fulayaal weeye, waana xasuusan doonaa, waan guuleystay anigu.” —Truth Social.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu wax wanaagsan ka qabtay Iran, isagoo xusay in ay wiiqeen awoodii ciidanka Badda ee Iran waxuuna intaasi ku daray in 58 markab ay ka burburiyeen labadii maalmood ee ugu horeysay dagaalka, isagoo ku faanay in Maraykanku haysto “ciidmaada badda ee ugu weyn adduunka”

“Waxaan ka qabanay wax wanagasan”ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inay oggolaan doonin in Iiran yeelato hubka Nukliyeerka sababtoo ah “hadday helaan waa adeegsanayaan”

Trump ayaa markii uu arkay dhibaatada ka haysata bariga dhexe ayuu isku dayayaa, in NATO usoo jiido dagaalkan ay isra@il lugaha u gelisay.

HNN

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.