Heemaal News Network

Trump Oo Xilkii Ka Qaaday Safiirka Maraykanka U Fadhiya Soomaliya

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa go’aansaday in Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard H. Riley, dib loogu yeero dalkiisa ka hor dhammaadka muddadii xilkiisa. Go’aankan, oo ay werisay wakaaladda wararka ee AP, wuxuu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu waafajinayo danjireyaasha Mareykanka siyaasadda “America First.”

Riley wuxuu ka mid yahay ku dhawaad 30 danjire iyo madax hawlgallo diblomaasiyadeed oo lagu wargeliyay in shaqadoodu dhammaanayso bisha Janaayo, si loo hubiyo in hoggaanka safaaraduhu si buuxda ula jaanqaadaan ajendaha maamulka Trump. Wuxuu xilka Soomaaliya la wareegay sannadkii 2024, waxaana uu shaqeynayay muddo ka yar tan caadiga ah ee danjireyaasha.

Tallaabadan ayaa si gaar ah u saameysay Afrika, iyadoo danjireyaasha 13 dal oo Afrikaan ah, oo ay Soomaaliya ku jirto, shaqadooda la soo afjaray. Warbixintu waxay tilmaantay in isbeddelkan uu Soomaaliya ku soo beegmayo xilli ay jiraan caqabado waaweyn oo ku saabsan amniga, xaaladda bani’aadannimo, iyo khilaafka siyaasadeed ee doorashooyinka.

Ilaa hadda, Aqalka Cad ma shaacin cidda beddeleysa Riley, waxaana la filayaa in safaaradda Mareykanka ee Muqdisho uu si ku-meel-gaar ah u sii wado sii-haye (Chargé d’Affaires).