Turkiga Oo Beenisay Warar Sheegaya In Hay’adda Sirdoonka M16 ka Codsatay Ilaalinta Madaxwaynaha Suuriya.

by Heemaaln
1 minutes read

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar sheegayay in hay’addeeda sirdoonka ee National Intelligence Organization ay ka codsatay hay’adda sirdoonka Britain ee MI6 inay kordhiso doorkeeda ilaalinta madaxweynaha Siiriya Ahmed al-Sharaa kadib qorshayaal dil oo la sheegay in dhawaan lagu bartilmaameedsaday.

Warbixin ay daabacday Reuters oo soo xiganaysa ilo Suuriyaan iyo ajnabi ah ayaa sheegtay in walaac amni oo sii kordhaya gaar ahaan qorshayaal dil oo la tuhunsan yahay inay maleegayaan kooxda Islamic State uu sababay in Turkigu doonayo taageero dheeraad ah oo dhanka sirdoonka ah. Si kastaba, Ankara ayaa ku adkeysatay in warkaasi uusan sax ahayn, iyadoo sheegtay in MIT ay si joogto ah ula shaqeyso hay’adaha sirdoonka caalamiga ah iyo kuwa amniga ee Syria la dagaallanka argagixisada, balse aysan jirin codsi gaar ah oo loo diray MI6.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Suuriya ay weli la tacaaleyso xasillooni darro iyo weerarro goos-goos ah ku dhawaad 15 bilood kadib markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad, halka xiisadaha gobolka ay sii kordhiyeen dagaalka u dhexeeya Mareykana, Israel iyo Iran.

Xulafada caalamiga ah, oo ay ku jiraan Turkey, UK iyo Mareykanka, ayaa u arka Shiraac inuu yahay shaqsi muhiim u ah xasillinta iyo dib u dhiska Suuriya, kadib 14 sano oo dagaal sokeeye ah oo sababay burbur baahsan iyo malaayiin qaxooti ah, isla markaana u suurtageliyay ISIS inay mar ka mid ah xukunto qaybo ballaaran oo dalka ka mid ah.

Ilo amni ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha sirdoonka Turkiga, Britain iyo Suuriya ay si joogto ah isu dhaafsadaan xogaha la xiriira khataraha amni, maadaama ISIS ay dhawaan kordhisay weerarrada ay ku qaadayso ciidamada iyo hay’adaha amniga Suuriya, iyadoo Shiraac ku tilmaantay cadowgeeda koowaad.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.