Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga oo khad telefoon kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iiraan ayaa ku wargaliyay in Turkigu uu sinaba unaqbali karin in lagu xadgudbo hawadiisa.
Hakan Fidan ayaa u sheegay dhigiisa Iiraan in Turkigu uu qaadayo dhamaan talaabooyinka lagama maarmaan ah si uu isku difaaco.
Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibada Iiraan ayaa u sheegay Hakan Fidan in gantaalaha u gudbay hawada Turkiga aysan ka iman dhinaca Iiraan, wuxuuna u balanqaaday in baadhitaan dhameystiran la sameyn doono si loo ogaado meesha ay ka yimaadan.
Turkiga ayaa si wayn uga xanaaqay laba gantaal oo ballistic ah oo gudbay hawadiisa, waxayna Ankara ku wargalisey Iiraan hadii gantaal kale uu kusoo dhawaado hawadeeda in dulqaadanku uu ka dhamaaan karo.