Turkiga Oo Xaqiijiyay Inuu Soomaaliya u soo Diray Ciidankii Ugu Khatarta Badnaa!

by Heemaal
1 minutes read

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa maanta xaqiijisay in ciidamo cusub loo soo diray Soomaaliya si loo xoojiyo hawlgallada milateri ee ka socda dalka, gaar ahaan dhinaca badda iyo hawlgallada xeebaha.

Ciidanka cusub ee la keenay Soomaaliya waxaa ka mid ah Amfibi Deniz Piyade Bölüğü, oo ah cutub ka tirsan Ciidanka Lugta Badda ee Turkiga (Turkish Marine Corps). Cutubkan wuxuu leeyahay awood uu ku fuliyo hawlgallo badeed iyo kuwa xeebta ka dhaca, isaga oo diyaar u ah inuu ka howlgalo meelaha isku xira badda iyo dhulka, gaar ahaan hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta dekedaha.

Cutubkan cusub ee Turkiga ayaa qeyb ka noqon doona hawlgallada Taliska Somali-Turk Task Force, iyagoo ka shaqeyn doona dhinacyada saadka, hawlgalka, tababarka iyo taageerada farsamada ee ciidamada Soomaaliya. Tallaabadan ayaa la filayaa inay sii xoojiso iskaashiga labada dal, isla markaana kor u qaaddo awooda Soomaaliya ee dhinaca difaaca badda iyo hawlgallada amniga xeebaha.

Dowladda Turkey ciidankeeda hoos yimaada TurkSom oo markii hore ka koobnaa macalimiin iyo tababarayaan ayaa sanadkii hore lagu kordhiyay boqolaal askari oo ah ciidanka gaar ah. Dhawaan safarkii Xasan Sheekh ku tagay dalka Turkey ayaa lagu heshiiyay in taliska la gaar siiyo meeshii ugu saraysay. Dhawaan waxaa Muqdisho yimid taliyaha ciidanka Cirka waxaana la keenay diyaaro dagaal iyo cutubyo ciidanka cirka ah.

Maanta Wasaaradda Difaaca Turkey ayaa shaacisay in ay Soomaaliya gaysay ciidanka gaarka ah ee loo yaqaano Amfibi Deniz Piyade Bölüğü kuwaas ka howlgali doona Soomaaliya iyagoo hoos tagaya Taliska Somali-Turk Task Force waxaana Muqdisho ugu soo horeeyay taliye ku xigeenka ciidanka bada.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.