UAE oo sheegay in Iiraan burburisay sladhig milatari oo ay ku sugnaayeen ciidamo Faransiis ah

Imaaraadka Carabta oo sheegay in weerar gantaal oo Iiraan ah sababay dab ka kacay saldhig ay ku sugan yihiin ciidamo Faransiis ah

Weerar ay fuliyeen laba diyaaradood oo nooca daroonka ah oo laga leeyahay Iiraan ayaa sababay dab ka kacay saldhig ciidan badeed oo ku yaalla Abu Dhabi, kaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Faransiis ah, balse ma jirin wax khasaare naf ah.

“Kooxo gaar ah ayaa maanta ka falceliyay dhacdo ka dhalatay weerar ay geysteen laba daroon oo Iiraani ah oo lagu beegsaday bakhaar ku yaalla Saldhigga Badda ee Al Salam ee Abu Dhabi,” ayay tiri Wasaaradda Difaaca.

“Weerarku wuxuu sababay dab ka kacay laba konteenar oo ay ku jireen agab guud, balse ma jirin wax dhaawac ama dhimasho ah.”

Saldhigga, oo sidoo kale loo yaqaan Camp de la Paix (Xerada Nabadda), waa mid Imaaraadku leeyahay balse wuxuu martigeliyaa ciidamo Faransiis ah oo ku sugan dalkaas casuumaad rasmi ah awgeed. Militariga Faransiiska ayaa ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo wararka la xiriira weerarka.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan