Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in dalkiisu toddobaadkan u diri doono khubaro militari dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Saudi Arabia si ay uga talo bixiyaan hababka looga hortago loogana soo rido diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay samayso Iran.
Zelenskyy ayaa hadalkan ku sheegay fariin cod ah oo uu u diray saxafiyiinta, isaga oo xusay in saddexdan dal ay yihiin kuwii ugu horreeyay ee khubarada loo diro, sida ku cad heshiisyada wada shaqayneed ee ay la leeyihiin Ukraine.
Ukraine waxay khibrad ballaaran ka heshay la dagaallanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca Shahed drone, kuwaas oo ay si weyn u adeegsadeen ciidamada Russia intii uu socday dagaalka ka dhanka ah Ukraine.
Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in khibradda ay ka heleen dagaalka ay hadda la wadaagi doonaan dalalka Bariga Dhexe si loo xoojiyo difaaca hawada loogana hortago weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.