USA: 2 qof ayaa ku dhintay, 3 kalena si xun ayay ugu dhaawacmeen rasaas ‘bartilmaameedsan’

Laba qof ayaa la dilay, saddex kalena si daran ayaa loo dhaawacay kadib toogasho loo maleynayo inay ahayd mid si gaar ah loo beegsaday oo ka dhacday goob baraf lagu dul ciyaaro (ice skating rink) oo ku taalla gobolka Rhode Island Isniintii, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Rasaasta ayaa la maqlay qiyaastii 2:30 duhurnimo gudaha Dennis M. Lynch Arena oo ku taalla magaalada Pawtucket, oo qiyaastii 5 mayl u jirta Providence, sida ay sheegtay madaxa booliska Pawtucket, Tina Goncalves.

Tuhmanaha, oo goobta ku dhintay kadib markii uu is toogtay, ayaa lagu magacaabay Robert Dorgan, 56 jir. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inuu sidoo kale isticmaalayay magaca Roberta Esposito.

Marka laga soo tago labada qof ee la dilay, saddex kale oo la toogtay ayaa loo qaaday isbitaal iyagoo ku jira xaalad halis ah, sida ay boolisku sheegeen. Ilaa fiidnimadii Isniinta, waxay weli ku jireen xaalad aad u daran.

Madaxa booliska ayaa sheegtay in toogashadu u muuqato mid si gaar ah loo beegsaday isla markaana la xiriirta arrin qoys, iyadoo lagu tilmaamay inay suurtagal tahay muran qoys dhexdiisa ah. Waxay sidoo kale sheegtay in saaxiib qoyska ka mid ah uu ku lug lahaa muranka.

Sarkaalka ayaa intaa ku dartay in qof samafale ah (Good Samaritan) uu soo dhex galay, iskuna dayay inuu xakameeyo tuhmanaha, taas oo “ka hortagtay in xaaladdu ka sii darto.”

Federal Bureau of Investigation (FBI) ayaa goobta gaartay waxayna sheegeen inay siin doonaan hay’adaha amniga ee gobolka iyo kuwa maxalliga ah wixii taageero ah ee loo baahdo, sida uu bayaan ku sheegay agaasimaha FBI, Kash Patel.

FBI-da ayaa sidoo kale sheegtay in “aysan jirin khatar degdeg ah oo ku wajahan badbaadada dadweynaha.”

Kormeeraha mid ka mid ah dugsiyada ku ciyaarayay goobta xilliga toogashadu dhacday ayaa fariin u diray waalidiinta, isagoo xaqiijiyay in dhammaan ardayda kooxdaasi ay badbaadsan yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Rhode Island, Dan McKee, ayaa baraha bulshada ku qoray: “Waxaan u duceynayaa Pawtucket iyo dhammaan dadka arrintani saameysay.”

Related posts

Somaliya Oo si Rasmi ah u Dhaqan Gelisay Nnidaamka Cusub Ee Electronic Travel

“Qalabkan Qiimaha Laydhka Boorama wuxuu ka Dhigi Doonaa…” Wasiirka Macdanta Somaliland

Somaliland Oo Shaacisay Deegaanada Laga Arkay Bishan Ramadaan