Socdaalka markabka casriga ah ee Turkiga ee lagu magacaabo Cagri Bay ayaa noqday mid si weyn indhaha loogu hayo, maadaama uu astaan u yahay wejiga cusub ee Soomaaliya u galay raadinta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka shidaalka.
Markabkan oo ah jiilka toddobaad ee ugu horumarsan ee qodista shidaalka badda hoosteeda, ayaa ka soo shiraacday dekadda Walvis Bay ee dalka Namibia, halkaas oo uu ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay.
Safarkiisa dheer wuxuu ka bilaabay dalka Turkey, isaga oo soo maray dalal badan oo ku yaalla Yurubta Koonfureed sida Greece, Italy iyo Spain, ka hor inta uusan u sii gudbin xeebaha galbeedka Afrika.
Intii uu ku jiray socdaalkaas, Cagri Bay wuxuu soo maray waddamo ay ka mid yihiin Morocco, Mauritania, Senegal, Ghana iyo Nigeria, isagoo sii maray xeebaha ilaa uu ka gaaray koonfurta qaaradda Afrika. Hadda wuxuu ku sii jeedaa inuu ka gudbo agagaarka South Africa, kadibna u soo tallaabo dhinaca badweynta India.
Marka uu ka soo gudbo Koonfur Afrika, markabkan waxaa la filayaa inuu soo maro waddamada Mozambique, Tanzania iyo Kenya, ka hor inta uusan soo gaarin xeebaha Somalia.
Ujeeddada ugu weyn ee socdaalka Cagri Bay waa inuu bilaabo qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal laga baaro Soomaaliya, kaas oo loogu magac daray “Curad”.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in markabkan uu dalka ku imaan karo muddo ku dhow 45 maalmood, balse marka la eego masaafadda dheer iyo waddada uu marayo, waxaa muuqata in safarka uu qaadan karo waqti ka badan intii la qorsheeyay.
Go’aanka uu markabkan ku doortay inuu ku wareego qaaradda Afrika halkii uu ka mari lahaa Suez Canal iyo badda cas ayaa la rumeysan yahay inuu la xiriiri karo arrimo amni iyo istiraatiiji ah, maadaama marinnada qaar ee Badda Cas ay noqdeen kuwo khataro cusub ka jiraan.