Wasiirrada arrimaha dibadda, Pakistan, Turkiga, Sacuudiga iyo Masar ayaa wada-hadallo berri ku yeelanaya magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Pakistan, sida ay werisey Al Jazeera.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa mar kale xaqiijiyay in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu kaalin wax ku ool ah ka qaato xallinta dagaalka Bariga Dhexe, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran.
Waxa ay sheegtay in wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga iyo Iran ay ku wada-hadleen khadka taleefoonka oo uu wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi uga mahad celiyay dadaalka Ankara ee ay ku doonayso inay ku soo afjarto dagaalka ilaa hadda.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif oo mudo hal saac ah Khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Iiraan ayaa sheegay inay ka wada-hadleen madaxweynaha iiraan Masoud Pezeshkian horraantii maanta xal u helida xiisada dagaal ee ka taagan bariga dhexe.
Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo barta X, ku qoraya ayaa yiri ‘’Waxaynu siinay madaxweynaha halka xaalka diblomaasiyadeed uu marayo’’. ayna ka shaqaynayaan in Maraykanka iyo dalalka gacanka ay ‘’fududeeyaam wadahadal iyo colaada oo meesha laga saaro’’.
Shariif waxa uu sidoo kale cambaareeyay duqaymaha Israa’iil ee Iiraan, waxaana uu garab istaag u muujiyay shacabka geesiyaasha ee IIraan’’ ayuu yiri.
Pakistan waxa ay horray u soo bandhigtay martigalinta wadahadalada Maraykanka iyo Iiraan.