War xun oo ku weyn Manchester United! Difaac muhiim ah ayaa dhaawacmay saacado ka hor kulanka ay la leeyihiin Everton.

by Heemaal
2 minutes read

Manchester United ayaa la kulantay jug lama filaan ah kadib markii daafac muhiim ah laga saaray kulanka ay u safreen Everton saacado ka hor bilowga ciyaarta sababo la xiriira dhaawac muruqa kubka ah (calf injury). Kooxda uu hoggaamiyo Michael Carrick ayaa fursad u haysatay inay sii adkeeyaan booska afaraad ee Premier League, iyadoo guul ay ka gaaraan booqashadoodii ugu horreysay ee Hill Dickinson Stadium ay ka dhigi lahayd inay saddex dhibcood ka hor maraan Chelsea iyo Liverpool.

Dhaawaca Lisandro Martinez oo la shaaciyay

Lisandro Martinez laguma darin liiska ciyaartoyda United ee u safray Everton, iyadoo warbaahinta The Athletic ay sheegtay inuu qabo dhaawac muruqa kubka ah. Warkan ayaa jug weyn ku ah xiddiga reer Argentina, kaasoo dib ugu soo laabtay ciyaaraha bishii December kadib siddeed bilood oo uu uga maqnaa dhaawac ACL ah.

Difaaca oo maqnaan doona ilaa laba toddobaad

Lisandro Martinez ayaa la filayaa inuu maqnaado ilaa laba toddobaad, taasoo ka dhigan inuu seegi doono kulanka ay Manchester United la leeyihiin Everton iyo kulanka gurigooda ee Axadda soo socota ay la ciyaarayaan Crystal Palace. Lama hubo inuu diyaar noqon doono marka ay booqdaan Newcastle United 4-ta Maarso.

Leny Yoro ayaa buuxiyay booska Martinez safka hore, isla maalintaas oo la shaaciyay in laga mamnuucay wadista baabuurta muddo lix bilood ah kadib markii lagu qabtay isagoo ku socda 70 mayl saacaddii meel xaddidkeedu yahay 30mph oo ku taalla Cheshire.

Sesko mar kale laga saaray safka

Michael Carrick ayaa ka reebay Benjamin Sesko safka bilowga kulankii lixaad oo xiriir ah, inkastoo ciyaaryahanka £74 milyan lagu soo iibsaday uu dhibic u badbaadiyay United kulankoodii ugu dambeeyay ee ay la yeesheen West Ham United.

Isbeddelka kaliya ee Carrick sameeyay safarkii Merseyside wuxuu ahaa Yoro oo beddelay Martinez, maadaama uu isla safkii hore ku soo bilaabay kulamadii ay la yeesheen Tottenham Hotspur iyo West Ham.

Carrick oo lagu ammaanay

Carrick ayaa guuleystay afar kulan, halna barbaro ku dhammeeyay shantii kulan ee uu hoggaaminayay tan iyo markii uu xilka kala wareegay Ruben Amorim. Saaxiibkiisii hore ee kooxda, Edwin van der Sar, ayaa ku ammaanay Carrick inuu dib u soo celiyay qiyamkii Manchester United bilihiisii ugu horreeyay ee xilka.

Van der Sar wuxuu yiri:
“Manchester United waxay leedahay dhaqan u gaar ah. Manchester City sidoo kale waxay leedahay dhaqan, balse iyagu si buuxda ayay u beddeleen dhaqankoodii hore. Mararka qaar dadku waxay ku noolaadaan taariikhda iyo wixii ay kooxdu hore u gaartay iyo qaabkii ay u ciyaari jireen.

“Saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee Manchester United ciyaartay waxay u ekaayeen kooxdii United ee hore, taasoo farxad u ah taageerayaasha – kalsoonida ay helayaan, taageerada ay siiyaan kooxda, iyo xitaa dhalinta gool daqiiqaddii ugu dambeysay!

“Ilaa inta aan sidaas u ciyaareyno oo kubadda u jiheyno goolka oo aan dhalino, waa wax aan ku qasbannahay inaan ku kalsoonaanno. Haddii aad ku kalsoonaan karto koox – ciyaartoyduna waa kuwo tayo leh – balse waxay u baahan yihiin qaab dhismeed gaar ah si tayadooda ugu fiican loo helo.”

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.