Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ruushka oo u yeertay Safiirka Israa’iil u fadhiya Moscow

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka oo u yeertay safiirka Israa’iil u fadhiya Moscow, Oded Joseph, waxayna ka dalbatay in Israa’iil ay si cad u sharaxdo sababta loo beegsaday goob ay ku sugnaayeen laba weriye oo Ruush ah, xilli ay joogeen koonfurta Lubnaan.

Telefishinka Ruushka ee RT ayaa sheegay in safiirka Israa’iil lagu tusay gudaha wasaaradda muuqaallo muujinaya weerarka, kuwaas oo tilmaamaya in weriyeyaasha si toos ah loo beegsaday.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in wajiga safiirka laga dareemay isbeddel muuqda markii uu ka baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka.

Related posts

“Go’aanka Uu Maanta Qaatay Ingiriisku wuu Halis-galinayaa Dadka UK..”Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan

Senatoro Su’aalo Adag ka Weydiisay Janaraal Ciidanka Mareykanka ah Dagaalka Iran

Dhaqaalaha dalka Qatar Oo Hoos u Dhac ku yimid dhawaad 9%.