Heemaal News Network

Wasaarada Arrimaha Dibadda Turkiga Oo Bayaan Adag kasoo Saartay Aqoonsiga Israel ee Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa bayaan ka soo saartay aqoonsiga Israel ee Somaliland.

“Hadalkan ay Israel ku sheegtay inay aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland waa tusaale kale oo ka mid ah tallaabooyinka sharci-darrada ah ee xukuumadda Netanyahu, kuwaas oo ujeedkoodu yahay abuurista xasillooni-darro heer gobol iyo mid caalami ah.

Tallaabadan ay qaaday Israel—oo sii wadda siyaasadaha ballaarinta isla markaana aan wax dadaal ah ka reeban ka hortagga aqoonsiga Dawladda Falastiin—waxay ka dhigan tahay faragelin cad oo lagu sameeyay arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Go’aannada la xiriira mustaqbalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland waa in loo qaataa si ka tarjumaysa rabitaanka dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Turkiga, oo ah dal si weyn u danaynaya nabadda iyo amniga Geeska Afrika, isla markaana si adag u taageera madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuu sii wadi doonaa garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.