17
Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in weerarrada ay Iiraan fulinayso iyo xakamaynta ay ku hayso marin-biyoodka Hormuz ay khatar ku yihiin danaha Britain iyo xulafadeeda.
Waxay sidoo kale sheegtay in diyaaradaha iyo awoodaha kale ee militari ee Britain ay sii wadaan difaaca muwaadiniintooda iyo danahooda ku sugan Bariga Dhexe.
Dhanka kale, dowladda Britain ayaa xaqiijisay inay Mareykanka siisay oggolaansho inuu adeegsado saldhigyadooda si uu u fuliyo howlgallo difaac oo gaar ah.