Wasiir Fiqi Oo Si Adag U Dhaliilay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag u dhaliilay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Wuxuu ku eedeeyay inay carqaladeeyeen wadahadalladii ku saabsanaa sida doorashada dalka loo qabanayo.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay dadaal badan gelisay si heshiis loo gaaro, balse mucaaradku ay mar walba keenayeen shuruudo cusub. Wuxuu kaloo sheegay in ay ka gaabiyeen ka qeybgalka shirarkii ka dhacay Villa Soomaaliya, inkastoo markii dambe laga oggolaaday in kulamada lagu qabto hoteellada ku yaalla Xalane. Sida uu sheegay, laba shir oo waqti dheer qaatay ka dib ayay mucaaradku ku dhawaaqeen in shirku fashilmay.

Hadalka ugu culus ee wasiirka ayaa ahaa mid uu ku barbardhigay mucaaradka ururka Al-Shabaab. Wuxuu yiri sida shacabka looga xoreeyay Al-Shabaab ayaa sidoo kale looga xoreyn doonaa siyaasadda dadka uu ku eedeeyay inay hortaagan yihiin doorashada.

Dowladdu waxay ku adkeysatay inay doonayso doorasho “qof iyo cod” ah, taas oo micnaheedu yahay in muwaadin kasta si toos ah u codeeyo. Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed weli si rasmi ah ugama jawaabin hadalka cusub, balse hore ayay u sheegeen in wadahadalladu ku dhammaadeen natiijo la’aan.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan