33
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Cabbaas Araghchi ayaa waraysi uu siiyay NBC News , waxaa lagu waydiiyay haddii dagaalkan ay ka caawinayaan Ruushka iyo Shiinaha.
Wariyaha NBC : Ruushka iyo Shiinaha ma si firfircoon bay idiinka caawinayaan dagaalkan?
Araghchi: Mar walba way na caawiyeen.
NBC: Taasi ma ka dhigan tahay haa?
Araghchi: Faahfaahin kama bixinayo arrintan anagoo ku jirna bartamaha dagaal.