Heemaal News Network

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Oo Difaacay Aqoonsiga ay Siiyeen Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa caawa daboolka ka qaaday in Israa’iil keligeed ay go’aaminayso cida ay aqoonsanayso iyo cida ay xidhiidh dublamaasiyadeed la yeelanayso.

Wasiirka ayaa qoraal uu ku faafiyey barihiisa bulshada wuxuu ku sheegay in Somaliland aan la abuurin todobaadkii tagay hasa yeeshee ay jirtay una shaqaynaysay sida dawlad jirta in ka badan 34 sanno, taas darteedna weerarada lagu diidan yahay aqoonsiga ay siiyeen uu yahay munaafaqnimo.