Shirkadda Anthropic ayaa weli ku adkeysanaysa in barnaamijkeeda aan loo adeegsan kormeer ballaaran oo lagu sameeyo muwaadiniinta Mareykanka ama horumarinta hub iskiis u shaqeeya oo weerari kara iyada oo aan faragelin bini’aadan jirin, sida ay sheegayaan warbixinno.
Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa siiyay shirkadda Anthropic illaa maalinta Jimcaha si ay ugu oggolaato in laga saaro heerarka badbaadada ee ku jira moodelkeeda sirdoonka macmalka ah ee Claude, haddii kale ay wajihi doonto cunaqabateyn culus, sida ay sheegayaan warbixinno la daabacay Talaadadii.
Hegseth ayaa kulan albaabadu u xirnaayeen kula yeeshay Xarunta Pentagon-ka Talaadadii madaxa shirkadda Anthropic, Dario Amodei. Warbixinadu waxay sheegayaan inuu ku hanjabay in shirkadda lagu dari doono liiska “khatarta silsiladda sahayda” (supply chain risk) ama la adeegsan doono Xeerka Wax-soo-saarka Difaaca (Defense Production Act) si loogu qasbo inay u hoggaansanto shuruudaha Wasaaradda Difaaca.
Claude ayaa hadda ah moodelka kaliya ee AI ee loo oggol yahay inuu la falgalo nidaamyada sirta ah ee Pentagon-ka. Hegseth ayaa doonaya in Anthropic ay oggolaato shuruudo cusub oo ay ku jirto in Claude loo adeegsan karo “dhammaan ujeeddooyinka sharciyeysan.”
Si kastaba ha ahaatee, Anthropic ayaa ku adkeysatay in barnaamijkeeda aan loo adeegsan kormeer ballaaran oo lagu sameeyo muwaadiniinta Mareykanka, isla markaana aan loo adeegsan horumarinta hub iskiis u shaqeeya oo weerari kara iyada oo aan go’aan bini’aadan ka imaan.
Amodei ayaa mar kale ku celiyay mowqifka shirkaddiisa intii lagu jiray kulankii Talaadadii, sida ay werisay NPR.
Xeerka Defense Production Act wuxuu u oggolaanayaa madaxweynaha inuu ku qasbo shirkad gaar loo leeyahay inay soo saarto alaabooyin gaar ah xilliyada xaaladaha degdegga ah ee qaran. Haddii shirkad lagu tilmaamo “khatarta silsiladda sahayda,” waxaa ka dhalan kara cawaaqib xumo, iyadoo dhinacyada saddexaad lagu qasbi karo inay kala doortaan ganacsi la sameynta shirkadda ama Pentagon-ka.
“Sababta keliya ee aan weli ula hadlayno dadkan waa inaan u baahannahay, haddana degdeg ayaan ugu baahannahay. Dhibaatadu waxay tahay inay aad u fiican yihiin,” ayuu sarkaal ka tirsan gaashaandhigga u sheegay mareegta wararka ee Axios ka hor kulanka Talaadadii.
Pentagon-ku wuxuu toddobaadkii hore xaqiijiyay in xiriirka uu la leeyahay Anthropic “dib u eegis lagu sameynayo.”