Wasiirka difaaca Netherlands, Gijs Tuinman ayaa markii u horreysay si cad u sheegay inay jirto hab lagu jebin karo software-ka diyaaradda dagaal ee Mareykanka uu soo saaro ee F-35 , iyadoo aan loo bahnayna Mareykanka in la ogeysiiyo ama oggolaasho laga helo, si dib u cusbooneysiin loogu sameeyo, xilli ay dalalka Yurub walaac ka qabaan waxa dhici kara haddii Mareykanku hakiyo dib u cusbooneysiinta nidaanka software-ka ee F-35.
Diyaaradda F-35 , waxay leedahay nidaamyo software-ka uu u baahan in waqti kasta la cusbooneysiiyo, si sare loogu qaado awoodeeda, waa hab la mid ah telefoonka shirkadda Mareykanka ah ee Apple oo sannad walba iOS-kiisa, wax lagu kordhiyo, sababta dib u cusbooneysiinta lagu sameynayo F-35 ayaana looga danleeyahay inay ku adkaado cid kasta oo iskudayda inay wax ka barato sida diyaaradan la isaga difaaco.