Wasiirka Gaashaandhigga Fiqi Oo Shiinaha kala Hadlay Taageerada Difaaca Dalka iyo Qodob kale

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, guulaha Ciidamada Qalabka Sida ee ka gaarey Khawaarijta iyo doorka saaxiibada Soomaaliya ee taageerada iyo awoodsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay nabadda iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, gaar ahaan Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, munaasabadda Sannadka Cusub ee Shiinaha.

Related posts

Qatar oo soo riday labbo diyaaradood oo Iiraan leedahay oo 2 daqiiqo u jirsday,,

Milateriga iyo siyaasiyiinta Iiraan oo taageeray hogamiyaha cusub, mucaaradka oo boqortooyo u arka

Trump oo ka carooday hoggaamiyaha cusub ee Iiraan