Wasiiro hor leh oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse oo is casilay

Waxaa sii xoogeysanaya is-casilaadaha ka imanaya xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si isdaba joog ah uga tagaya xilalkii ay hayeen, iyaga oo ka cabanaya xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Dr. Maxamed Yuusuf Xasan (Waliid), oo ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayey.

Warqad uu u diray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayuu ku sheegay in go’aankiisu uu yimid kadib markii uu arkay waxa uu ku tilmaamay “dagaal gardarro ah” oo lagu qaaday Koonfur Galbeed, taas oo uu sheegay in aysan la jaanqaadi karin mabda’iisa siyaasadeed.

Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kula taliyey in uu dib ugu laabto ku dhaqanka dastuurka iyo hirgelinta dowladnimo ku dhisan cadaalad, wada-tashi iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa is casilay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Xuseen Cali Xaaji, oo isna sheegay inuu garab taagan yahay shacabka iyo madaxda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Tamarta, Suhuur Xaaji, ayaa wareysi ay bixisay ku xaqiijisay inay xilka ka degtay, iyadoo sheegtay inay la dareen tahay shacabka ay matasho, isla markaana aysan ka mid ahayn xubnihii cambaareeyay tallaabooyinkii dhowaan dhacay ee loo qaaday dhinaca Koonfur Galbeed.

Is-casilaadahaan ayaa daba socota kuwo hore oo ay sameeyeen xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Xasan Maxamed (Baydhabo), Wasiir ku-xigeenkii Qorsheynta, Isaaq Maxamed Mursal, Wasiir ku-xigeenkii Arrimaha Dibadda iyo Axmed Maxamed Mashruuc, Wasiiru-dowlihii Qorsheynta

Mas’uuliyiintan ayaa dhammaantood sababaha is-casilaadooda ku sheegay duullaan ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay ku qaaday deegaanada Koonfur Galbeed, faragelin siyaasadeed, iyo xaalad cakiran oo ka jirta maamulkaas.

Related posts

Ciidanka Jubbaland oo Gudaha Badda uga Hortagay Ciidankii K/Galbeed ee Maanta kasoo Baxay Baraawe.

Dawlada Talibaan Oo Dalalka Muslimiinta Ugu Baaqday In la Taageero Iran

Booliska Scotland Oo Xiray Wiil iyo Gabar Irani ah Oo Xoog ku Galay Saldhiga Ciidanka Cirka