“Waxaan dhisi doonaa Nidaam Dhammaystiran oo Isbahaysiyo ah..”Nataniyahu

Screenshot

Netanyahu ayaa inta uu maanta ku jiray furitaanka shirka golaha wasiirrada Israa’iil, wuxuu yiri; “Aragtida aan qabo, waxaan dhisi doonaa nidaam dhammaystiran oo isbahaysiyo ah oo isku keenaya xulafadeena Mediterranean-ka, bariga dhexe iyo Afrika oo ay ku jiraan: Hindiya , Carabta , Giriiga iyo Qubrus , kuwaasoo arkaya xaqiiqada sida ay tahay ,si ay uga hortagaan isbahaysiyada xagjirka ah, ha ahaato midka Shiicada xagjirka ah ama midka Sunniga xagjirka ah ee hadda samaysmaya.”

Dhanka kale, waxaa la qorsheeyay in Arbacada uu ra’iisul Wasaaraha Hindiya booqdo Israa’iil, halkaas oo uu kula kulmi doono Netanyahu, iyadoo la filayo in la saxiixo heshiisyo militari iyo kuwo tiknoolajiyadeed, xilli ay Hindiya dhawaan heshiisyo difaac la gashay dalal bariga dhexe ah oo lala xiriirinayo Israa’iil, waxaana la fahamsan yahay in qaabkan iskaashi uu qayb ka yahay xulafadda uu Netanyahu ka hadlayo.

Netanyahu wuxuu u arkaa xulafadan cusub inay ka hortagayso waxa uu ku tilmaamay: Isbahaysiga Sunniga oo ku fidsan dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Turkiga, Qatar, Pakistan, Masar, Suuriya iyo geeska Afrika.

Isbahaysiga Shiicada, oo uu ku sheegay inay ku sugan yihiin Iiraan, Ciraaq, Xuutiyiinta Yemen iyo Xisbullah Lubnaan.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan