‘Waxba Iskama Beddelayaan Awoodayada Ciidan Cid kasta Oo la Dilo.”Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan

TEHRAN, IRAN - 2026/02/08: Abbas Araghchi Iran's Foreign Ministry seen during his weekly press conference. (Photo by Foad Ashtari/SOPA Images/LightRocket via Getty Images)

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araghchi, ayaa u sheegay ABC News in inkastoo Iiraan ay “waayday qaar ka mid ah taliyayaal… haddana waxba iskama beddelin awooddeenna milatari.”

“Sidan kale ayay u dhacday markii hore,” ayuu yidhi, isaga oo tixraacaya duqeymihii Israa’iil iyo Maraykanka ee bishii Juun ee sannadkii hore.

“Waxay dileen qaar ka mid ah taliyayaasheenna ugu sarreeya, balse si degdeg ah ayaa loo beddelay, wax ka yar 12 saacadood gudahoodna waxaan awoodnay inaan bilowno aargoosi,” ayuu yidhi. “Markana xitaa way ka sii dhakhso badnayd.”

Markii la weydiiyay in weli ay suuragal tahay in heshiis wadaxaajood ah lala gaadho Maraykanka, Araghchi wuxuu yidhi: “Adiga ayaa ka jawaabaya su’aashaas.”

Wuxuu sheegay in wafdiyada Iiraan iyo Maraykanka ay yeesheen “wada-hadallo aad u wanaagsan oo ka dhacay Geneva” Khamiistii la soo dhaafay, isla markaana la filayay in kulan kale uu ka dhaco Vienna Isniinta. Laakiin “kuwa nabadda ka soo horjeeda… ayaa go’aansaday inay carqaladeeyaan,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in dilka Khamenei uu yahay “dagaal furan oo ka dhan ah Muslimiinta, gaar ahaan Shiicada, dhammaan dacallada caalamka”.

Bayaan lagu daabacay kanaalka rasmiga ah ee Telegram-ka ee dowladda Iran, Pezeshkian ayaa sheegaysa in Iran “ay u aragto dhiigga daadanaya iyo aargoosiga dambiilayaasha iyo kuwa kicinaya dembiga taariikhiga ah inay tahay waajibaadkeeda iyo xuquuqdeeda sharciga ah, waxayna ku dadaali doontaa inay gudato mas’uuliyaddan weyn.”

Su’aalo ayaa isa soo tarayay oo ku saabsan masiirka Pezeshkian – afhayeen u hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in madaxweynaha Iran uu “caafimaad iyo badbaado qabo”.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan