Weerar gantaallo ah oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Baqdaad, iyo ciidama oo helay goobtii laga soo riday

HNN: Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay weerar gantaallo ah oo lagu qaaday agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baqdaad, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ciraaq.

Sida ay sheegtay waaxda warfaafinta ee dowladda, shan gantaal ayaa lagu tuuray garoonka diyaaradaha ee Baqdaad iyo deegaannada ku hareeraysan. Agagaarka garoonka waxaa ku yaalla xarumo muhiim ah, oo ay ku jirto xarun diblomaasiyadeed oo Mareykanku leeyahay.

Gantaallada qaarkood waxay ku dhaceen gudaha garoonka diyaaradaha iyo xarun biyaha cusbada laga saaro, halka kuwo kale ay ku dhaceen meel u dhow xabsi lagu hayo dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda IS. Gantaallo kale ayaa sidoo kale ku dhacay saldhig ciidan oo Ciraaqi ah oo ku yaalla meel u dhow xarunta diblomaasiyadeed.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay goobtii laga soo riday gantaallada, taas oo ku taalla deegaanka al-Radwaniya ee koonfur-galbeed ka xiga magaalada Baqdaad, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Sidoo kale, ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) lagu soo riday meel u dhow garoonka diyaaradaha.

Tan iyo markii uu billowday dagaalku, waxaa soo noqnoqday weerarro ay kooxo taageersan Iran ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baqdaad iyo saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla Ciraaq. Dowladda Ciraaq ayaa sidoo kale xirtay hawada dalka, waxaana la hakiyay duullimaadyadii diyaaradaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Heemaal News Network.

Related posts

Ilhan Cumar ”Dagaalka Trump ku Qaaday Iiraan $2 Bilyan ka badan ayaa ku Baxda Maalin kasta”

Madaxweynaha Iran Oo ka Hadlay Wada-hadal Uu la Yeeshay Dhigiisa Farance

Rag Hubaysan Oo Caawa Weerar ku Dilay Shan Askari Oo ka Tirsan Booliiska Iran.