Wararka kq imaanaya khaliijka ayaa sheegaya in Iran ay weerar ku qaaday warshad sifeynta shidaalka ee dalka Kuwait, xilli Israel ay mar kale duqeymo ka fulisay caasimadda Tehran.
Weeraradan oo ku fidaya dalalka Khaliijka sida imaaradka Carabta ayaa muujinaya in colaadda ay galayso marxalad aad u khatar badan, sida ay ka digayaan falanqeeyayaal.
Diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ayaa beegsaday warshadda ugu weyn sifeynta shidaalka Kuwait ee Mina al-Ahmadi maalintii labaad oo xiriir ah, iyadoo Iran ay qaaday weerarro ballaaran oo ka dhan ah kaabayaasha tamarta ee gobolka. Dhanka kale, qaraxyo ayaa laga maqlayay hawada Tehran kadib duqeymo ay Israel fulisay, xilli dalkaasi uu u dabaaldegayay sanadka cusub ee Faaris.
Dab ayaa ka kacay qaybo badan oo ka tirsan warshadda Mina al-Ahmadi, oo sifeysa qiyaastii 730,000 foosto oo shidaal ah maalintii, subaxnimadii Jimcaha, xilli shacabka Kuwait ay u dabaaldegayeen Eid al-Fitr.
Shirkadda shidaalka qaranka Kuwait ayaa sheegtay in qaybo ka mid ah warshadda la xiray, balse aysan jirin wax khasaare naf ah.
Militariga dalka ayaa sidoo kale sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay si firfircoon u qabteen gantaallo iyo drones soo socday.
Weeraradan ayaa qayb ka ah olole sii fidaya oo Iran ay ka waddo dalalka Carabta ee Khaliijka, taas oo jawaab u ah weerar ay Israel horraantii toddobaadkan ku qaaday goobta gaaska ee South Pars oo ah tan ugu weyn Iran isla markaana daboolaysa qiyaastii 80% baahida gaaska dabiiciga ah ee iran.