6
Taliyaha ciidanka Uganda, Muhoozi Kainerugaba oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo shalay sheegay inay Uganda garab taagantahay Israa’iil, ayaa maanta baahiyay sawir uu kula jiro gabar ka tiran ciidanka Israa’iil.
Wuxuu yiri;
“Waa sawir hore. Gabar askari ah oo ka tirsan ciidanka Israa’iil oo isku dayaysa inay i barto sida loo rido qoriga. Tani waxay ahayd 17 sano ka hor. Ugu dambeyn, aniga ayaa iyada baray sida loo rido. Ilaahay ha barakeeyo Uganda iyo Israa’iil.”