Xafiiska Taiwan ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadal uu jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la xidhiidha arrinta Taiwan iyo Shiinaha.
Waraaqdu waxay caddeyneysaa in Taiwan ay tahay dal madax-bannaan oo xor ah, isla markaana uusan jirin dal kale oo ka amar qaata, ayna ka madaxbannaan tahay Shiinaha.
Xafiisku wuxuu ku eedeeyay Shiinaha falal militari iyo cadaadis siyaasadeed oo halis gelinaya nabadda iyo xasilloonida gobolka Indo-Pacific, kuna baaqay in la ilaaliyo dimuqraadiyadda iyo amniga caalamiga ah.
Sidoo kale, Taiwan waxay ugu baaqday dawladda Soomaaliya inay diiradda saarto horumarkeeda gudaha, kana fogaato ku milanka loollanka siyaasadeed ee quwadaha waaweyn.
Ugu dambayn Taiwan waxay sheegtay inay sii wadi doonto la shaqaynta dalalka saaxiibka ah si loo ilaaliyo nabadda, dimuqraadiyadda iyo xasilloonida caalamka.

