Xarunta sirdoonka CIA ee ku taal Riyadh oo la weeraray

by Heemaal
1 minutes read

Xarunta sirdoonka CIA ee ku taal Riyadh, caasimadda Sacuudi Carabiya, ayaa la sheegay in lagu weeraray iyadoo la adeegsanayo diyaarado aan duuliyaha lahayn (drones).

Wararka ayaa tilmaamaya in weerarku uu ka dhacay aagga xarunta, waxaana la sheegay in uu sababay khasaare dhanka qalabka iyo burbur, balse wali ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo la xiriirta dhaawac gaarsiisan shaqaalaha ama khasaaraha dhimashada. Weerarkani wuxuu dhacay maalintii Isniintii lakiin waa la qariyey in uu dhacay weerarkani, warkiisuna ilaa hadda waa isa soo tarayaa.

Weerarkan ayaa dhaliyay walaac ku saabsan ammaanka xarumaha sirdoonka Maraykanka ee dibadda iyo sida kooxaha hubeysan u adeegsadaan drones-ka si ay u fuliyaan weerarro bartilmaameedyo gaar ah.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.