39
Xarunta ugu weyn ee shirkadaha shidaalka ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa la xiray,ka dib markii warshada shidaalka sifeysa ee Ruwais ay ku qarxday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, weerarkaa oo dhaliyay inuu dab qabsado qayb ka mid ah warshadaha xaruntan, sida ay maanta ku dhawaaqday shirkadda shidaalka Abu Dhabi ee ADNOC.
Warshadan la xiray , waxay soo saari jirtay maalintii hal milyan oo fuusto, waxayna ku biiraysa warshadaha shidaalka iyo gaaska ugu weynaa khaliijka ee dalalka Sacuudiga iyo Qatar oo horey loo xiray , taa oo saameyn dhaqaale ku yeelanaysa gobolka.
