Xarunta ugu Weyn ee Shirkadaha Shidaalka ee Imaaraadka Carabta Oo la Xiray

Xarunta ugu weyn ee shirkadaha shidaalka ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa la xiray,ka dib markii warshada shidaalka sifeysa ee Ruwais ay ku qarxday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, weerarkaa oo dhaliyay inuu dab qabsado qayb ka mid ah warshadaha xaruntan, sida ay maanta ku dhawaaqday shirkadda shidaalka Abu Dhabi ee ADNOC.

Warshadan la xiray , waxay soo saari jirtay maalintii hal milyan oo fuusto, waxayna ku biiraysa warshadaha shidaalka iyo gaaska ugu weynaa khaliijka ee dalalka Sacuudiga iyo Qatar oo horey loo xiray , taa oo saameyn dhaqaale ku yeelanaysa gobolka.

Related posts

Iraan oo Mar kale Gantaalo ku Garaacday Imaaraadka

Itoobiya, Israel, Sacuudiga iyo Kuwait oo Ka Shiray Xaaladda Bariga Dhexe iyo Dagaalka socda.

Turkey Oo Diyaaradaha Dagaalka U Dirtay Jasiirada Qubrus Nidaamka difaaca Hawada Gaysay Bariga Dalkaasi