Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu kulan la qaato odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed si uu diiradda u saaro dejinta xiisadda sii kordheysa ee ka taagan deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan muranka siyaasadeed ee kala dhexeeya madaxweynaha dowlad goboleedkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka loo adeegsanayo sidii ay door dhexdhexaadin ah uga qaadan lahaayeen khilaafka, maadaama ay leeyihiin saameyn bulsho iyo mid siyaasadeed oo xooggan. Dowladda Federaalka ayaa u aragta in culimada iyo odayaasha dhaqanka ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan qaboojinta xaaladda iyo ka hortagga isku dhacyo ka dhaca gudaha deegaanadaas.
Dhanka kale, xiisadda ayaa ka dhalatay arrimo la xiriira awood qeybsiga, maamulka doorashooyinka, iyo faragelin siyaasadeed oo la isku eedeynayo. Dowladda dhexe iyo maamulka Koofur Galbeed ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu wado tallaabooyin ka hor imaanaya dastuurka iyo nidaamka federaalka.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in labada dhinac ay wadaan abaabul siyaasadeed iyo mid amni, taasoo keentay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo qaar ka mid ah degmooyinka iyo goobaha istiraatiijiga ah ee Koofur Galbeed. Tani waxay sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafku isu beddelo mid amni oo halis gelin kara xasilloonida guud ee dalka.
Kulankan maanta la filayo ayaa noqon kara mid go’aan ka gaar ah jihada uu qaadan doono khilaafka, iyadoo la rajeynayo in xal nabadeed laga gaaro muranka sii xoogeysanaya. Haddii odayaasha dhaqanka ay ku guuleystaan dhexdhexaadin wax ku ool ah, waxaa suuragal ah in la helo is afgarad hoos u dhiga xiisadda, balse haddii kale waxaa sii ji