Xasan Sheekh Oo Magaalada Arusha kaga Qayb-galay Shirka Madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qayb galay, magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Meertada 25-aad ee Shir Madaxeedka caadiga ah ee Madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika, halkaas oo Madaxda dalalka xubnaha ka ah ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga gobolka iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Madasha kusoo bandhigay guulaha muuqda ee Soomaaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo dhammeystirka Dastuurka dalka, isaga oo muujiyay sida Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Bariga Afrika.

Intii uu Shirku socday, waxaa madasha kulanka lagu dhaariyay, Garsoore Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi oo ka mid noqday Garsoorka Maxkamadda Caddaaladda Ururka Bulshada Afrika, kaasi oo fagaaraha Caddaalladda Ururka ku matalidoono Soomaaliya.

Shir Madaxeedka Urur EAC ee sanadkan ayaa diiradda lagu saaray Xoojinta Isdhexgalka Gobolka iyo fududeynayo Ganacsiga Xuduudaha ka Gudba, waxaana hoggaaminta sanadlaha ah ee shir guddoonka Ururka Bulshada Bariga Afrika la wareegay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni oo xilka kala wareegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Samoei Ruto.

DHAMMAAD

Related posts

Madaxweynaha Colombia Oo Ugu Baaqay Trump inuu ka Fogaado R/Wasaraha Israa’iil Netanyahu.

Dawlada Jabuuti Oo Taageero u Muujisey Imaaraadka Carabta, ka dib Wada-hadal dhexmaray

Iiraan Oo Caawa Gubtay Dhismaha Marina Tower ee Dubai oo ka kooban 90 Dabaq oo Gubanaya