Heemaal News Network

Xasan Sheekh: “Shiinaha Door weyn ayuu ka Qaadan doonaa Horumarinta Waxbarashada iyo Tiknoolajiyadda Somaliya”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid taariikhi ah, adag, isla markaana ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyn joogto ah, tan iyo markii ay labada dal yeesheen xiriir diblomaasiyadeed 65 sano ka hor.

Madaxweynaha oo wareysi gaar ah siiyay CGTN TV, ayaa xusay in Shiinuhu si weyn u taageeray Soomaaliya tan iyo maalmaheedii ugu horreeyay ee xornimada, isagoo tilmaamay in mashaariic waaweyn oo ay Shiinuhu ka hirgeliyeen dalka—sida isbitaallo, waddooyin iyo garoonno—ay weli adeeg u yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha waligiis ma yeelan kor iyo hoos, waa xiriir toosan oo joogto ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u ammaanay horumarka dhaqaale iyo tiknoolajiyadeed ee Shiinaha, isagoo sheegay in hoggaanka Madaxweyne Xi Jinping uu Shiinaha gaarsiiyay barwaaqo iyo horumar muuqda.

“Shiinaha waa tusaale ay dalal badan, gaar ahaan dalalka soo koraya iyo kuwa Afrika, ka baran karaan sida looga gudbo duruufaha loona gaaro horumar,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ballaarinta furfurnaanta Shiinaha iyo wada-shaqeynta Afrika ay tahay fursad weyn oo dunida guud ahaan, Afrika gaar ahaan, ay ka faa’iideysan karto, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, amniga, horumarinta beeraha, tiknoolajiyadda, iyo dhaqaalaha badda (blue economy).

Dhanka waxbarashada, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in uu si gaar ah u daneeyo horumarinta waxbarashada dadweynaha, tababarrada farsamada iyo xirfadaha (TVET), isagoo tilmaamay in Shiinaha uu door muhiim ah ka qaadan karo wareejinta tiknoolajiyadda iyo tababarka xirfadaha casriga ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka iyo garab istaagga midnimada iyo madaxbannaanida dalka.