In kasta oo dagaalo sokeeye oo daba dheeraday iyo kuwo dawladeedba ka dhaceen gayiga Soomaliya, waxaan maqaalkan kaga hadlaynaa dagaaladii iyo xasuuqyadii ka dhacay gobolada waqooyi ee Soomaliya oo ilaa hadda aan si dhab ah looga wada hadal, si loo helo kalsooni iyo heshiis buuxa, oo laga gaadho aanooyinka raagay ee laka tabanayo.
Waxaan ku bilaynaa maqaalkan xasuuqyadii dawliga ahaa iyo kuwii sokeeye ee ka dhacay gobolka Awdal.
Xasuuqyadii Dawliga Ahaa.
- Awdal waxay la kulanaty xasuuq baahsan oo ay kala kulantay dagaalkii dhex maray dawladihii ka talinaayey Soomaliya iyo Itoobiya, iyadda oo ay sobob u ahayd in gobolka la dajay, jabhado Oromo ahaa loona yaqaanay (Somali Aboo) oo ka soo hor jeeday dawladii Mangiste, xasuuqyadaasi in kasta oo ay ahaayeen kuwo joogta ah, oo diyaaraha dagaalka Xabshidu si joogta ah u duqayn jireen degmada Boorama, kan ugu wayni wuxuu ahaa, kii dhacay bishii 31 janaayo 1984, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 400 oo qof una badnaa arday, kadib markii dayaaradaha xabashidu duqeeyeen dugsiyadda Boorama.
- Waxay Itoobiya laga yagleelay jabhad Soomaliyeed oo la odhan jiray SSDF oo uu hogaamin jiray korneel Cabdulaahi Yuusuf, kana soo hor jeeday maamulkii Siyaad Barre, taas oo yoolkeeda koowaad ay Itoobiya uga dhigtay gobolka Awdal, maadaama ay joogaan jabhado Oromo ah oo iyaga ka soo horjeeda, Jabhadan SSDF waxay dhowr jeer ku qaaday weeraro saldhiga ciidanka ee Goroyo-Cawal oo maarkii danbe loo raray dagaanka Xalimaale kadib markii jabhaadaasi weerar balaadhan ku soo qaday oo ay la wareegat, taas waxa dheeraa iyadda oo si joogta ah loo galin jiray miinooyin jidadka u dhaxeeya Boorama iyo Hargaysa , iyo Boorama iyo Saylac, kuwaas oo ay dad badani ku dhinteen.
Xasuuqyadii Dagaalada Sokeeye.
- Kadib markii ay heshiiyeen maamulkii Siyaad Barre iyo jabhadii SSDF, waxaa markale laga yagleelay Itoobiya jabhad kale oo la magac baxday SNM, taas oo culays wayn ku keentay gobolka Awdal, maadamada dadka jabhadan hogaaminaayey ka soo jeedeen gobolda waqooyi.
- Waxaa heshiiyey beelaha Isaaq iyo Ciise oo markaa la isku odhan jiray reer Binuhashim oo gobolka ay ay ka kala dagaanayeen bari iyo galbeed, inkasta oo weeraro joogta ah ay ku hayeen beesha Samaroon, waxaa ugu darnaa xasuuqii dhacay 4 febraayo 1991, kadib markii jabhadii SNM iyo Ciidamo Itoobiyaan ah, iyada oo ujeedadu ahayn in ciidamda Itoobiya kula dagalamaan magaalada Boorama jabhadii Somali Aboo (Oromo), halka SNM ay ka ahayd in ay abaan u noqoto ciidama Itoobiya, in kasta oo taariikhdaa mar danbe la badalay ama si kale loo dhigay, maalintaa Boorama waxaa lagu dilay in ka badan 2000 oo qof.
Xasuuqyadii ka dhacay gobolada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer.
Xasuuqyadii Dawliga Ahaa.
- Kadib markii la yagleelay jabhadii SNM, Maamulkii Siyaad Barre wuxuu ku beesha Isaaq, cadaadis iyo cabudhin xoog leh, taas oo keentay in shacab badani ka qaxaan magaalooyinka Hargaysa iyo Burco iyaga oo u adkaysan waayey, xadhig iyo cabudhin aan loo meel dayin oo lagula kacay, si loogu cadaadiyo madaxdii SNM in ay la heshiiyaan maamulki Siyaad Barre, balse taasi ma dhicin oo jabhadii SNM waxay kaga jabaatay iska cabin iyo dagaalo qadhaadh, ilaa ay gaadhay in dayaaradihii ka ka kacay, garoonka magaalada Hargaysa ay dib u duqeeyaan magaalada iyada oo ay dheerayd madaafii aan loo meel dayin, taas oo burbur wayn gaadhsiisay magaalada, dad badana ku dhinteen.
Ka dib markii ay xaaladu faraha ka baxday waxaa jiray, dad badan oo aan waxba galabsan oo loo dilay in ay ka soo jeedaan Beesha Isaaq, xataa ayaga oo aan joogin goobo dagaal ka socdo, sida xasuuqii Jasiira.
Kadib markii uu Meesha ka baxay Maamulkii Siyaad Barre walina aan si buuxda loogu heshiin in maamul laga dhiso gobolda waqooyi, wuxay dagaalo ka dhex qarxeen beesha Isaaq dhwor jeer, taas oo ay ku dhinteen dad farabadani.
Xasuuqyadii ka dhacay gobolda Sool, Sanaag iyo Cayn.
- Ma jirin wax xasuuq dawli ah oo ka dhacay goboladani, balse waxaa ka dhacay dagaalo dabbo dheeraday oo ay ku dagaalameen dad diidan maamulka Somali-land, iyo kan Puntland.
Shacabka gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn, way koobnaayeen dagaaladii ay la galeen maamulka Puntland, balse waxaa lagu riiqmay kuwo ay la galeen maamulka Soomaaliland.
Si la mid ah sidii maamulkii Siyaad Barre uga jawaabay ujeedadii SNM, ayaa maamulka Somalilandna uga jawaabay ujeedadii Khaatumo State, iyaga oo laayey dad badan, madaafiic aan loo meel dayina ku burbiriyey magaalada Laascaanood iyaga xasuuq wadreedna ka fuliyey dhowr jeer magaalada Buuhoodle iyo dagaamada ku xeeran, xasuuqyadan oo ay sameeyeen dhamaan maaluladii ka talinaayey Somaliland, tan oo ugu danbaytii ku dhamaatay in shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ay helaan maamul ay iyagu leeyihiim, si la mid ah sida beesha Isaaq u heshay maamul ay iyagu leeyihiin.
Hadda mmulkii Somaliland waxaa ku soo hadhay beelaha Isaaq, Samaroon iyo Ciise, iyadda oo haddan uu dagaalo ka socdaan dagaamo ka mid ah gobolka Awda loo ay ku dagalamayaan beelaha Samaroon iyo Ciise.
Labbadan beeloodna waxa ka jira guux wayn oo kaga soo hor jeedaan maamulka Somaliland iyadda oo hadda magaalada Boorama aanay xasilnayn, oo ay ka dhacaan diidmo joogta ah, iyadda oo maamulka Somalilandna u uku xaliyo dil, cabudhin iyo xadhig. Dhinaca kale beesha Ciise ayaa u xusul duuban in ay u madax banaanaato maamulka dagaamada galbeed ee Gobolka Awda loo hadda loo yaqaano Gobolka Salal.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

