Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kulmiye ayaa wajahaya xaalad qalalaase iyo isfahamwaa ah, kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay saaxiibbadii siyaasadeed ee Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga, Maxamed Kaahin Axmed.
Labada masuul ayaa horaantii sannadkan ku kala aragti duwanaaday wakhtiga la qabanayo shirweynaha xisbiga, iyadoo Guddoomiye Maxamed Kaahin uu go’aamiyay in shirweynaha laba sano dib loo dhigo, halka Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu ku adkaystay in shirweynaha lagu qabto wakhtigiisii.
Khilaafka ayaa sii xoogeystay kaddib markii Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee xisbigu uu la saftay garabka Muuse Biixi, taas oo sababtay in saaka si rasmi ah looga saaro guud ahaan xubinimadii xisbiga.
Muuse Biixi Cabdi, oo xalay la hadlay warbaahinta, ayaa ugu baaqay hoggaanka xisbiga inay joojiyaan hadallada ay warbaahinta isku mariyaan iyo shirarka ay ku baaqayaan, isaga oo kula taliyay in la isu yimaaddo lana yeesho wada-hadal hoose oo lagu xallinayo arrimaha xisbiga.
Hase yeeshee, Guddoomiye Maxamed Kaahin ayaa si adag uga falceliyay hadalka Muuse Biixi, isaga oo sheegay inuusan waligiis mucaaradin Muuse Biixi, balse uu isagu noqday qofkii ugu horreeyay ee ka hor yimaadda. Waxa uu sidoo kale xusay in xisbigu aanu lahayn laba guddoomiye, isla markaana isaga uu yahay hoggaamiyaha rasmiga ah ee xisbiga.
“Muuse, anigu maan xag-xagan, balse maanta isaga ayaa i xag-xaganaya. Muuse waan ka filayay in aanu ila shaqayn, waayo dhaqankiisa ayaan aqaan, balse isma lahayn isaga ayaa dhagaxa ugu horreeya kugu soo tuuraya,” ayuu yidhi Guddoomiye Kaahin.
