Xoghayaha A.Dibadda Mareykanka Oo Farance Uga Qayb-galaya Shirka G7 Oo Dagaalka Iran Looga Hadlayo
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa qorsheynaya inuu Jimcaha booqdo Faransiiska si uu uga qayb galo kulan ay isugu imaanayaan madaxda sare ee dalalka G7, kaas oo looga hadli doono dagaalka Iiraan iyo dagaalka daba dheeraaday ee Ruushka iyo Ukraine.
Waxaa xusid mudan in dalalka G7 , ay ka soo horjeesteen dagaalka uu Mareykanka ku qaaday Iiraan, sidaas darteed booqashada Rubio waxaa loo arkaa isku day lagu doonayo in mar kale loo bandhigo oo loo qanciyo dalalkan, si loo helo taageero iyo isbahaysi caalami ah.